Xubnaha Xisbiga Himilo Qaran

SHURUUDAHA XUBINNIMADA
Qofkasta oo soo codsada in uu xubin ka noqdo xisbiga waa in uu buuxiyaa shuruudahan hoos ku xusan:
  1. Uu yahay muwaadin Soomaali ah; dhimirkiisuna dhan yahay.
  2. Da’diisu ka yarayn 18 jir;
  3. Aaminsan yahay mabaadi'da, ujeedooyinka, xeerarka iyo barnaamijka Xisbiga diyaarna u yahay fulinta go’aanada Golayaasha Xisbiga.
  4. Leeyahay hab-dhaqan wanaagsan kana fogyahay dhaqamada xun xun.
  5. In uusan ka mid ahayn xisbi siyaasadeed kale oo dalka ka jira, ururo xag-jir ah ama leh aragtiyo iyo u jeeddooyin ka soo horjeeda kuwa Xisbiga.
  6. Uu soo dalbado ka mid noqoshada xisbiga, buuxiyana arjiga ka mid noqoshada xisbiga;
  7. Uu bixiyo lacagta ka mid noqoshada xisbiga iyo qaaraanka sanadlaha ah;

XUQUUQDA XUBINTA
Xubintu waxay xaq u leedahay in:
  1. la dooran karo waxna ay dooran karto.
  2. Ay si xor ah u cabirto fikirkeeda si waafaqsan dastuurka xisbiga iyo qawaaniinta dalka.
  3. Ay hesho macluumaadka lagama-maarmaanka ah ee khuseeya xisbiga.
  4. Ay iska difaaci karto eedaymaha ay hay’addaha xisbigu u soo jeediyaan.
  5. Ay ka codsan karto qoraallo ku saabsan hawlaha xisbiga iyo siyaasadihiisa laanta uu ka diiwaan geshanyahay.
  6. Ay iska casisho xil ay u haysay xisbiga iyadoo u gudbinaysa iscasilaadda Xoghayaha Guud ee heer dowlad goboleed ama heer federal si qoraal ah waxayna dhaqan galaysaa is casilaaddu isla marka la aqbalo.
  7. Ay racfaan ka qaadan karto go’aan walba oo laga gaaro.
  8. Ay qareen u qabsan karto haddii laga saaro xisbiga ama lagu rido xukun ciqaabeed.
  9. Uu xisbigu garab istaago haddii ay la kulanto culays siyaasadeed oo ay sababtay ka mid ahaansheheeda ama go'aannadeeda siyaasiga ah ee waafaqsan aragtida xisbga.

WAAJIBAADKA SAARAN XUBNAHA
Xubinta waa in ay:
  1. Fidiso mabaadi'da, iyo hawlaha xisbiga una hawl gasho xaqiijinta ujeedoyinka xisbiga.
  2. Ilaaliso xeerka, xeer hoosaadka iyo go'aanada xisbiga.
  3. Uga geyb gasho kulamada xisbiga si joogto ah markii looga yeero.
  4. Ilaaliso sirta iyo sumcadda xisbiga mar walba.
  5. U hawl gasho sidii loo ballaarin lahaa taageerada xisbiga.
  6. Si joogto ah u bixiso qaaraanka xisbiga.
  7. Ka qayb gasho aqoon is-weydaarsiga iyo tabobarrada xisbiga markii loogu yeero.
  8. ka qayb gasho ololayaasha xisbiga
  9. In uusan xil siyaasadeed qaban karin illaa uu fasax ka helo Golaha Fulinta si waafaqsan xeerka xisbiga.

HABRAACA CODSIGA XUBINNIMADA
Tirada xubnaha xisbiga waxaa dib loo eegi doonaa sanad kasta bisha kowaad ama waqtiga ku haboon ee Golaha Fulintu go’aan ku gaaro, si:
  1. Xisbiga ay ugu suura gasho kor-joogtaynta hufnaanta ka mid ahaanshahiisa;
  2. loo sameeyo muddo looga tilmaan qaadan karo dhisidda guddiyada iyo golayaasha xisbiga ee sanadka xiga;
  3. Xubin kasta oo aan bixin qaaraanka billaha ah ee xisbiga afar bilood oo ka mid ah sanadka, waxaa hakad la gelinayaa xubinnimadeeda; waxayna dib xubinnimadeeda u heli kartaa marka ay bixiso qaaraanka.
  4. Qof kasta oo soo dalbada xubinnimada xisbiga nidaamka online ka ah (internet) lagama rabo saxiix.
  5. Qof kasta oo qaaraan bixiye ah oo lacagta uu bixiyey ay ka badantahay lacagta qaaraanka sanadlaha ah, wixii kasoo hara qaaraanka waxaa loo tixgelinayaa kaalmo uu ugu deeqay xisbiga.
  6. Xisbigu wuxuu siin karaa xubinnimo abadi oo lacag la’aan ah cidda ay
  7. u gartaan Golaha Fulintu ansixiyaanna Golaha Dhexe.
  8. Xubnaha da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 39 jir waxaa loo tixgelinayaa
  9. garabka dhalinyarada ee xisbiga.
  10. Ka mid noqoshada xisbigu waxay ansaxaysaa marka qofka uu aqbalo shuruudaha ka mid noqoshada xisbiga, bixiyana lacagta ka mid noqoshada xisbiga.

QAARAANKA XUBINNIMADA

  1. Golaha Fulintu wuxuu go’aan ka gaarayaa marka loo baahdo qiimaynta iyo xaddidida qaaraanka ka mid noqoshada xisbiga.
  2. Laan kasta waxay codsan kartaa in ay xubnaheedu bixiyaan cadad ka badan intii laga rabay, qaaraanka dheeraadka ahna waxaa loo tixgelin doonaa kaalmo xisbi oo qaarkeed loogu deeqi karo laantii lacagta ururisey.