Shirweynaha Guud

Shirweynuhu waa madasha lagu soo bandhigo laguna jaangooyo aragtiyaha iyo hiigsiga Xisbiga.

KULAMADA SHIRWEYNAHA GUUD
  1. Shirweynaha xisbiga waxaa kasoo qayb gelaya ergo ay soo dirsadaan degaan doorashooyinka dalka, dhammaan xildhibaanada, wasiirada Xisbiga ku metela dowladda dhexe, xubanaha Golaha Dhexe, iyo xubnaha Golaha Fulinta ee heer federaal.
  2. Tirada ergada Shirweynaha guud waa 1001, qaabka doorashada xubnaha shirweynaha guudna waxaa lagu qeexaya xeer hoosaad uu ansixiyo Golaha dhexe marukuu soo jeediyo Golaha Fulintu kaddib shirwaynaha koowaad.
  3. Shirweynaha guud ee caadiga ah waxa uu qabsoomayaa labadii sanaba mar.
  4. Shir aan caadi ahayn waxaa u yeeri kara Golala Fulinta ama sadex meelood meel (1/3) xubnaha Golaha Dhexe. 5- Shirweynuhu wuxuu ka dhacayaa xarunta dhexe ee xisbiga. Haddii Shirweynaha meel ka baxsan xarunta dhexe lagu qabanayo, Golaha Dhexe ayaa cod hal dheeri ah ku go’aaminaya.
  5. Shirweynaha waxaa guddoominaya Guddoon ku meel gaar ah oo ka kooban Gudoomiye, Gudoomiye ku Xigeen iyo Xoghaye laga dhex doorto isla Shirweynaha.
  6. Doorashada shir guddoonka Shirweynaha ka hor waxaa shirka gudoominaya qofka ugu da’da weyn.
  7. wuxuuna ku qabsoomi karaa hal dheeri (50%+1) tirada guud ee xubnaha shirwaynaha.
  8. Ajendaha Shirweynaha caadiga ah waxaa soo diyaarinaya Golaha Fulinta, halka ajendaha shirweynaha aan caadiga ahayn ay diyaarinayso hadba cidii codsatay (G/Dhexe, G/Fulinta).
  9. Marka la qabanayo shirweynaha caadiga ah, Golaha Fulinta ayaa magacaabaya laba guddi. Mid wuxuu diyaarinayaa barnaamijka Shirweynaha. Kan kalena wuxuu diyaarinayaa goobta iyo gogosha Shirwaynaha lagu qabanayo isaga oo la tashanaya Golaha Dhexe.

AWOODAHA SHIRWEYNAHA GUUD
  1. Doorashada shir gudoonka Shirweynaha (Gudoomiye, ku xigeen iyo Xoghaye).
  2. Doorashada afar meelood sadex meel (3/4) xubnaha Golaha Dhexe.
  3. Dhagaysiga warbixinada Golayaasha Fulinta iyo Dhexe.
  4. Ansixinta iyo wax ka badelka dastuurka xisbiga.
  5. Doorashada guddoonka saree ee Xisbiga (Guddoomiyaha, ku xigeennadiisa iyo xoghayaha guud)