Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran



Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleyman Maxamuud Xaashi, waa aqoonyahan iyo khabiir ku xeeldheer Siyaasadda, wuxuu Shahaadada BA ku heystaa xiririka caalamiga ah Jaamacaadda Caalamiga ah ee Islaamiga ah Maleysa ee (IIUM), Wuxuu masters-kiisa ku diyaariyay Culuumta Siyaasadda, bulshada, Istiraatiijiyadda iyo Dublumaasiyadda, Jaamacadda Qaran ee Maleysia (UKM).

Hon. Sulaiman Hashi wuxuu hadda u sharraxan yahay shahaadada PHD oo uu ku diyaarinayo celmiga Istiraatiijiyadda Amniga, Jaamacadda National University of Malaysia. Waa ganacsade kaalin ka soo qaatay kobaca dhaqaalaha dalka gaar ahaan waa asaasaha shirkadda ugu weyn ee Daabacaadda Horyaaljet oo ka howl gasha deegaannada Puntland iyo Jubbaland.

Waa Diblumaasi sare oo soo noqday la taliye sare xagga xiriirrada caalamiga ah ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia, sidoo kale wuxuu ahaa commercial attache Maleysia, masuulka heshiisyada ganacsiga uga wakiil ah dalkeenna intii u dhexeysay 2012-2016.

Hadda waa mudane ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa laga soo doortay Puntland, waana Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi.