Xisbiga Himilo Qaran

Aasaaska Xisbiga Himilo Qaran waxaa gundhig u ah u adeegidda, dadka oo la ilaaliyo qiyamkooda suubban iyo bedqabka iyo dhammaanshaha dalka Soomaaliya. Xisbiga waxaa loo aasaasay in uu horseed ka noqdo kor u qaadista nolosha umadda Soomaaliyeed iyo ka miro-dhalinta in la helo bulsho qof kasta oo ka mid ahi uu haysto dammaanad-qaad daryeel, xorriyad, nabad-gelyo, iyo caddaalad.