Mabaadi'da Xisbiga Himilo Qaran
Xisbigu wuxuu aaminsan yahay:
- Ilaalinta dhaqanka suuban ee ummadda Soomaaliyeed, qiyamka Islaamka iyo nabad ku-wada noolaanshaha caalamka intiisa kale.
- Gobannimada, madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
- U hogaansamidda dastuurka iyo xeerarka dalka, dhowrista midnimada iyo dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
- Dimuquraadiyad ku salaysan nidaam madani ah, xisbiyo badan iyo kala-duwanaanta aragtiyada iyo in doorashadu noqoto wadada kaliya ee lagu hanan karo hoggaanka dalka.
- Kala madaxbanaanida awoodaha dowladda sida xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka.
- Xukun waqtiyaysan iyo isku-wareejin awoodeed oo u dhacda si nabad iyo hufnaani ku jirto.
- xorriyadda iyo xuquuqda aadamaha, si waafaqsan shareecada Islaamka, dastuurka JFS, heshiisyada iyo baaqyada heer gobol iyo heer caalami.
- fahan dowladnimo casri ah, heshiis lagu yahay, kuna salaysan sarraynta sharciga iyo dastuurka dalka.
- dammaanad qaad dowladeed oo ku salaysan illaalinta nolosha, sharafta, maalka, iyo caqliga muwaaddinka iyo cid kasta oo ku nool JFS.
- ka qayb-gelinta bulshada go'aamada saamaynaya noloshooda heer qaran, heer dowlad goboleed iyo heer degmoba.
- u istaagidda sinnaanta ummada Soomaaliyeed iyo hubinta Soomaali ka fayow nooc kasta oo takoorid ah.
- dhaqaale ku salaysan ganacsiga suuqa xorta ah, barwaaqo sooran oo uu udub dhexaad u yahay daryeel bulsho iyo la dagaallanka faqriga.
- in wadahalku uu yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo wixii khilaaf ah.