The Party's General Principles

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay:
  1. Ilaalinta dhaqanka suuban ee ummadda Soomaaliyeed, qiyamka Islaamka iyo nabad ku-wada noolaanshaha caalamka intiisa kale.
  2. Gobannimada, madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
  3. U hogaansamidda dastuurka iyo xeerarka dalka, dhowrista midnimada iyo dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  4. Dimuquraadiyad ku salaysan nidaam madani ah, xisbiyo badan iyo kala-duwanaanta aragtiyada iyo in doorashadu noqoto wadada kaliya ee lagu hanan karo hoggaanka dalka.
  5. Kala madaxbanaanida awoodaha dowladda sida xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka.
  6. Xukun waqtiyaysan iyo isku-wareejin awoodeed oo u dhacda si nabad iyo hufnaani ku jirto.
  7. xorriyadda iyo xuquuqda aadamaha, si waafaqsan shareecada Islaamka, dastuurka JFS, heshiisyada iyo baaqyada heer gobol iyo heer caalami.
  8. fahan dowladnimo casri ah, heshiis lagu yahay, kuna salaysan sarraynta sharciga iyo dastuurka dalka.
  9. dammaanad qaad dowladeed oo ku salaysan illaalinta nolosha, sharafta, maalka, iyo caqliga muwaaddinka iyo cid kasta oo ku nool JFS.
  10. ka qayb-gelinta bulshada go'aamada saamaynaya noloshooda heer qaran, heer dowlad goboleed iyo heer degmoba.
  11. u istaagidda sinnaanta ummada Soomaaliyeed iyo hubinta Soomaali ka fayow nooc kasta oo takoorid ah.
  12. dhaqaale ku salaysan ganacsiga suuqa xorta ah, barwaaqo sooran oo uu udub dhexaad u yahay daryeel bulsho iyo la dagaallanka faqriga.
  13. in wadahalku uu yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo wixii khilaaf ah.