Central Committee

Golaha Dhexe waa hay’adda ugu sarreysa xisbiga inta u dhexeysa labada Shirweyne

QAAB DHISMEEDKA GOLAHA DHEXE
Golaha dhexe waxa uu ka koobanyahay 225 xubnood oo ay ku jiraan:
  1. Gudoomiyaha xisbiga
  2. Qof kasta oo noqda guddoomiyaha Xisbiga marka uu xilka banneeyo, wuxuu ka mid noqonayaa Golaha Dhexe inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-haystiisu dhammaan.
  3. Golaha Dhexe afar meelood saddex (3/4) waxaa laga soo dooranayaa Shirwaynaha, afar meelood meelna (1/4) waxa lagu dooranayaa fadhiga ugu horeeya ee Golaha Dhexe.
  4. Haddii xubin Golaha Dhexe ka mid ah ay bannayso jago waxaa loo buuxinayaa sida soo socota:
  5. Xubnaha Golaha dhexe ee laga soo doortay Shirwaynaha xisbiga waxaa buuxinaya xubintii ugu codadka badnayd liiska sugayaasha doorashadii u danbaysay ee Golaha Dhexe.
  6. Haddii laba xubnood iyo inka badan ay sinnaayeen xagga codadka, waxaa lagu kala saarayaa qori tuur.
  7. Haddi xubin Golaha Dhexe soo doortay ay bannayso jagadeedii waxaa dib usoo dooranaya Golaha Dhexe.
  8. Haddii xubnaha Golaha Dhexe kala-bar iyo wax ka badan ay hal mar banneeyaan kuraastooda, waxaa la qabanayaa Shirweyne aan caadi ahayn si loo soo buuxiyo kuraasta bannaanaatay.