Aasaaska Xisbiga Himilo Qaran

Aasaaska Xisbiga Himilo Qaran waxaa gundhig u ah u adeegidda dadka iyada oo loo ilaalinayo qiyamkooda suubban, bedqabka iyo midnimada Dalka.

Xisbiga waxaa loo aasaasay in uu horseed ka noqdo kor u qaadista nolosha umadda Soomaaliyeed iyo ka miro-dhalinta in la helo bulsho qof kasta oo ka mid ahi uu haysto dammaanad-qaad daryeel, xornimo, nabad-gelyo iyo caddaalad.

Faahfaahin

MABAADI’DA GUUD

Dhaqanka Suuban, Gobannimada JFS, Dastuurka & Xeerarka JFS, Madaxbanaanida, Xukun Waqtiyaysan, Xuquuqda Aadamaha, Dowladnimo Casri ah.

Dhaqanka Suuban

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay una taagan yahay ilaalinta dhaqanka suuban ee ummadda Soomaaliyeed, qiyamka Islaamka iyo nabad ku-wada noolaanshaha caalamka intiisa kale.

Gobannimada

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay una taagan yahay Ilaalinta Gobannimada madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Dastuurka & Xeerarka

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay u hogaansamidda iyo ilaalinta dastuurka & xeerarka dalka uyaal, dhowrista midnimada iyo dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dimuquraadiyad

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay Dimuquraadiyad ku salaysan nidaam madani ah, xisbiyo badan, kala-duwanaanta aragtiyada iyo in doorashadu noqoto waddada kaliya ee lagu hanan karo hoggaanka dalka.

Madaxbanaanida JFS

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay kala madaxbanaanida awoodaha dowladda sida Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Xukun Waqtiyaysan

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay Xukun waqtiyaysan iyo isku-wareejin awoodeed oo u dhacda si nabad iyo hufnaani ku jirto.

Xuquuqda Aadamaha

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay una taaganyahay ilaalinta Xorriyadda iyo Xuquuqda Aadamaha, si waafaqsan shareecada Islaamka, Dastuurka JFS, heshiisyada iyo baaqyada heer Gobol iyo heer Caalami.

Dowladnimo Casri ah

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay una taaganyahay hor marinta fahan dowladnimo casri ah, heshiis lagu yahay, kuna salaysan sarraynta sharciga iyo Dastuurka dalka.

Musharaxa Xisbiga

Musharraxa Xisbiga Himilo Qaran waa Madaxweynihii 7.aad ee DFS Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed.

Madaxweyne Shariif waxaa lagu xusuustaa guulihii waaweynaa ee uu Dalka gaarsiiyay muddadii uu xilka hayay oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Wuxuu doorasho ku qabtay Dalka gudihiisa 45 sano kaddib (1967-2012)
  2. Al-Shabaab ayuu ka saaray Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda
  3. Wuxuu diyaariyay Dastuurka ku meel gaarka ah ee ilaa hadda Dalka lagu dhaqo
  4. Wuxuu Dalka ka saaray xaaladdii ku meel gaarka ahayd oo uu Dalku ku jiray muddo 12 sano ah, waxa uuna Dalka gaarsiiyay inuu yeesho Dowlad rasmi ah
  5. Wuxuu bilaabay markii ugu horraysay wadahadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland
  6. Wuxuu dib u yagleelay Ciidamada Qaranka burburkii Dowladda dhexe kaddib
  7. Wuxuu dib u furay Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Bankiga Dhexe
  8. Wuxuu soo nooleeyay xiriiro badan oo caalami ah oo danaha Soomaaliya muhiim u ah

Ka mid noqo Xisbiga Himilo Qaran

Madaxda Xisbiga - Golaha Fulinta

Xildhibaan Suleyman Maxamuud Xaashi

Guddoomiyaha Xisbiga / Guddoomiyaha Guddiga Fulinta

Xildhibaan Suleyman waa aqoonyahan iyo khabiir ku xeeldheer siyaasadda. waxuu shahaadada BA ku qaatay xiriirka caalamiga ah. Wuxuu masters-kiisa ku diyaariyay cilmiga bulshada, Istiraatiijiyadda iyo Dublumaasiyadda.

Xil. Ismaaciil C/raxmaan Sh. Bashiir

Guddoomiye Xigeen

Xildhibaan Aaamino Xasan Cali

Guddoomiye Xigeen

Xildhibaan Climi Cumar Caysane

Guddoomiye Xigeen

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamadiid

Xoghayaha Guud

Senator Ilyaas Cali Xasan

Xog. Arrimaha Dibadda

Cabdinasir Maxamed Sheekh Nuur

Xog. Maaliyadda

Sawirrada